Monday, February 2, 2026
HomeSomali NewsSafiirkii Hore Ee Maraykanka U Fadhiyey Somaliya Oo Ka Digay Aqoonsiga Somaliland

Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Fadhiyey Somaliya Oo Ka Digay Aqoonsiga Somaliland

Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in aqoonsiga degdega ah ee Somaliland uu halis gelin karo xasiloonida gobolka , isla markaana dhaawac u gaysan karo xidhiidhka Maraykanka iyo dawladaha Geeska Afrika.

Ambassador Andre waxa uu ugu baaqay Washington inaanay kaligood go’aan qaadan, balse ay la tashadaan dalalka jaarka ah sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Uganda iyo weliba Midowga Afrika, ka hor inta aanay wax tallaabo ah ka qaadin qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Waxa uu soo jeediyay laba arrimood oo kala ah in Maraykanku uu sii wado la macaamilka Somaliland sida uu hadda yahay, ama in uu xafiis dublamaasiyadeed ka furo Hargeysa inta uu safaaradda Muqdisho ku hayo. Waxa uu taageeray, isagoo ku sifeeyay mid lagu fududaynayo wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.
Wadahadaladii hore ee ay dhexdhexaadinayeen Turkiga iyo Jabuuti ayaan ilaa hadda wax horumar ah laga gaadhin qaddiyadda Somaliland, waxaana weli aan la hubin in ay ka sii mid ahaan doonto Soomaaliya iyo in ay ku guulaysan doonto aqoonsi raadis caalami ah.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments