Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay bandhigga waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024 ayaa sheegay in maamulku labadii sano ee la soo dhaafay ay si weyn u xaqiijiyeen guulo la taaban karo. dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada.
Waxa uu intaasi ku daray “Gobolka Banaadir waxa uu noqon doonaa kan ugu horreeya ee ay ka dhacdo doorasho ay shacabku ku soo dooranayaan dowladdooda, shacabkana waa in ay u diyaar garoobaan”. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Sanadka soo socda Baasaboorkeena nagula ma dhibaayo Viso soo saaro iyo ma saarno,waxaa lagu dhajin doona Calaamada East Africa
Soomaaliya waxa ay si buuxda uga kamid noqotay xubinimada Urur Gobaleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.
Dowladda Soomaaliya ayaa daddaal xoogan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon lahayd EAC isla markaana ay uga faa’iideysato xoojinta baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga shaqeystaan dalalka xubnaha ka ah daladdan..
Baasaboorka Soomaaliga ayaa lagu daabici doonaa astaanta Bulshada Bariga Afrika
RELATED ARTICLES


