Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay joojisay fiisaha in ka badan 6,000 oo arday ajaaniib ah, kaddib markii uu ka dhacay, isla markaana aysan dib u cusboonaysiin muddadii la cayimay.
Waaxdu waxay sharraxday Isniintii in xadgudubyada ugu badan ay ka mid yihiin weerarada midiyaha , xadisita baabuurta iyadoo la adeegsanayo daroogo, xatooyo,
Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Trump uu sii adkeynayo siyaasada socdaalka iyo ardayda caalamiga ah.
Waaxdu waxay sharraxday in 6,000 oo fiisayaal ah oo la hakiyay, ku dhawaad 4,000 lagala noqday kadibe ku xad-gudbida sharciyada Mareykanka.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in “boqolaal, iyo laga yaabee kumaankun, fiisooyin arday” la joojiyay sababtoo ah dadka qaata waxay ku hawlan yihiin hawlo loo arko kuwo aan waafaqsanayn siyaasadda dibadda ee Maraykanka. Saraakiisha maamulka ayaa sheegay in dadka haysta fiisaha iyo kaararka cagaaran ay wajihi karaan masaafurinta haddii ay taageero u muujiyaan Falastiiniyiinta ama ay dhaleeceeyaan Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay ficilladan “Pro-Xamas” oo khatar ku ah siyaasadda Mareykanka.