Tuesday, October 7, 2025
HomeSomali NewsJubaland oo xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya,

Jubaland oo xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya,

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa xiriirka u jartay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Jubbaland – Soomaaliya ayaa lagu sheegay in jubaland joojisay wada shaqeenta dowlada dhexe ee somalia kadib tabasha badan oo ay soo abndhigeen halkan hoose ka aqariso war saxafdeedka

War-Saxafadeed
Dowladda Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta nidaamka dawladnimada , ku dhaganka Dastuurka iyc
shuruucda dalka iyadoo laga hortagayo waxkasta oo khalkhal galinaya midnimada iyo wada jirka shacabka
Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jubaland. lyadoo midaas laga duulayo ayay Dowladda Jubaland cadaysay
in ay diyaar utahay lashagaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo ku dhaqanka dastuurka
dalka iyo go’aan ka gaarista arimaha masiriga ah ee dalka iyadoo loo marayo tubta wadar ogolka.
Dowladda Jubaland waxay ku muujisay doodeeda fagaarayaasha la iskugu yimaado iyadoo qadarinaysa
rabitaanka shacabweynaha Jubaland, Halka ay Dowladda Federaalku hormuud unoqotay hagardaamada
himilooyinka shacabka Jubaland, iyo Khalkhal galinta joogtada ah ee amniga Jubaland, iyadoo ku kacday
qodobadaan soo socda:

1. Hagardaameynta dadaalada lagula dagaaalamayo khawaarijta loogana sifeynayo deegaanaada
Jubaland, iyadoo Dowladda Federaalku si weyn u xagal daacisey hawlagalka wajiga labaad ee ay Jubaland
bilowday, iyadoo xakameyn wayday ciidamadii kasoo baxay aagaga dagaaalka, kana shaqaynaysey sidi
ay u kala fufuri lahayd qaybaha kala duwan ee ciidama Jubaland iyo kuwa XDS, isla markaana ka cagajidey
in ciidama diidey gudashada wajibaadkooda lagu badalo cidamo isku dhaf ah oo degaanka laga xulo buuxinayana kaalinti CXDS ee furumaha baneeyey.

2. Hor istaagtay in ay Jubaland qabsato doorashooyinkeeda ay umadax banaantahay, iyadoo xalay soc
saartay warmurtiyeed aan sharciyad ku salaysnayn isna burinaya, cadaynaya mawqifka saxda ah ee ay
qabaan madaxda DFS O0 ah dalka in lagaliyo faraaq dastuuri ah, lagana shaqeeyo in Hay’adaha DXDF ay noqdaan kuwo aan sharciyad haysan kuna joogaan awooda ku darsasho aan sharciga waafaqsaneyn, sida
ay ku cadaysay Warmurtiyeedka ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Sidaas awgeed Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa qodobada soo socda:

1. lyadoo raacaysa Dastuurka kumeel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubaland kana dheeraanaysa waxkasta oc
horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay umadaxbanaantahay qabashada iyo maamulidda
doorashada Jubaland, sida uu qabo qodboka 120aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62aad iyo 80aad ee Dastuurka Jubaland.

2. Dowladda Jubaland waxay markasta ka digaysaa in la siyaasadeeyo si khaldana loo isticmaalo CXDS iyo
kuwa nabad ilaalintaujooga dalka ee (ATMIS), iyadoo sharciyadoodu tahay ladagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka xarumaha dawlada.

Go,aan:

Hadaba Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa in ay hakisay xirirkii wadashaqeeneed ee ay lalahayc
Xukuumada Federaalka Soomaliya inta ay uga hogaansamayso Dastuurka dalka, ixtiraamaysana
rabitaanka shacabka Jubaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments