Tuesday, October 7, 2025
HomeSomali NewsMadaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay mas’uul ka yihiin fashilka wadahadallada...

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay mas’uul ka yihiin fashilka wadahadallada doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hindise doorasho hal qof iyo hal cod ah, wax ka bedelka dastuurka iyo wadahadal u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

“Waar maxaad diiddan tihiin dastuurka waa badan yahay e’. Waxa la yidhi cutub la yidhaahdo afraad oo ka mid ah afartii cutub ee dib loo eegay, ha la celiyo. Cutubkii afraad ee ku jiray 2012, haddii uu na anfacayo mid kalaba lama sameeyeen. Na ma anfacayo.

Cutubka afraad qaata kan aad rabtaan soo qora oo aan ka wada hadalno. Saddexdii shir ee ugu horreeyay waxba waa ay keeni waayeen.

Kii afraad ayay qodobbo keeneen. Waan oggolaanay in aan baarlamaanka ku celinno. [waxaan dhahnay] tan waan oggol nahay ee wixii kale aan ka wadahadalno.

Maya e’ tan hala ansixiy, wixii kalana ha laga wada xaajoodo. Maalin walba wadaxaajood ma wadi karno, ” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments