Nairobi (Somali News Wire) – Maxkamadda sare ee Nairobi ayaa Jimcihii soo saartay amaro ku meel gaar ah oo lagu joojinayo magacaabista Kitthuri Kindiki oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka Kenya oo beddelaya Rigati Gachagwa.
Dhanka kale, garsoore Chacha Mwita ayaa xusay in dacwada ay gudbiyeen kooxda sharciga ee Gachagwa ay kor u qaadeen arrimo waaweyn oo dastuuri ah, sidoo kale mabaadi’da aasaasiga ah ee ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha.
Garsoore Chacha Mwita ayaa ku amray dacwad-oogaha in uu si degdeg ah u xareeyo codsiga jawaab-celiyayaashii, garsooraha ayaa sidoo kale faray dadka la wareystay inay codsiyadooda ku xareeyaan saddexda maalmood ee soo socota.
Sida laga soo xigtay garsooraha maxkamadda sare, dacwaddu waxay dhalisay su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan sharciga iyo danta guud, sidaas darteedna ay ku habboonayd in ay dhagaystaan guddi ka kooban tiro garsoorayaal ah oo ay magacaabi doonto guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Comey.
Amarkaas ka dib, maxkamadda sare waxay go’aansatay in 24-ka Oktoobar ay noqoto maalinta dhageysiga arrinta, taasoo garsoore Chacha Mwita uu go’aamiyay inay degdeg ahayd.
Maxkamaddu waxay soo saartay awaamiirteeda, waxaanay tidhi: “Arrinta waxa loo gudbin doonaa kursiga uu soo magacaabi doono guddoomiyaha maxkamadda sare si uu uga qaado awaamiirta ku habboon iyo tallaabada ku habboon.
Go’aanka maxkamada ayaa yimid wax ka yar saacad kadib markii xubnaha baarlamaanka ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Kothuri Kindiki loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka.
Dhammaan 236 mudane ee ka soo qayb galay baarlamaanka qaranka galabnimadii jimcaha ayaa codkooda ku taageeray magacaabista Kindiki. Ma jiro sharci-dejiyayaal si buuxda u muujiyay magacaabistiisa, halka aysan jirin cid ka aamustay codeynta.
Imaanshaha iyo codaynta, sidii aanu horeba ugula talinay, codbixintu waxa ay si xad dhaaf ah ‘haa’ ugu hiilinaysaa Magacaabista. Sidaas darteed, magacaabista waxa lagu iclaaminayaa in Goluhu meel mariyey.
Afhayeenka ayaa natiijada u gudbin doona Madaxweynaha, oo leh awoodda magacaabista, si ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Wetangula .
Diidmada Senetka ee ah in dacwadda dib loo dhigo ilaa Sabtida ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay inay ka takhalusaan Gachagwa, bilo ka dib markii ay isku dhaceen madaxweyne William Ruto.Todobaadkii hore ayay ahayd markii aqlabiyad aad u badan oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada ay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo, taas oo u gogol xaaraysay dacwadii labada maalmood ahayd ee uu ka socday golaha guurtida.
Gachagwa oo ah Ganacsade kasoo jeeda Gobolka Dhaxe ee Codka badan ku leh Kenya oo Saaka ku Sugnaa Gurigiisa ayaa Xil ka qaadista lagu sameeyay ku tilmaamay mid Siyaasadeysan.
Loolanka dhanka awoodda ah ee u dhaxeeya madaxweynaha, William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigati Gachagua, ayaa horseeday walaac ku saabsan xasilooni darida dowladda dhexdeeda, xilli Kenya ay ku jirto xaalad dhaqaale xumo.
Ruto ayaa Gachagua u doortay in uu noqdo madaxweyne ku xigeenkiisa haddii loo doorto doorashada 2022-ka, kaddib markii uu kaga adkaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga doorasho si weyn loogu tartamay.
Gachagua ayaa ka soo jeeda gobolka ugu caansan ee Mount Kenya, waxaana uu soo jiitay taageerayaal badan Ruto oo isaga ugu codeeyay doorashada.
Si mooshinkan uu u meelmaro wuxuu u baahan yahay ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha labada aqal oo aan ku jirin xildhibaanada la magacaabay Xildhibaanada taageersan mooshinka ayaa ku kalsoon in la meel marin doono, Balse Gachagua ayaa si cad u sheegay in uusan quusan doonin oo uusan xilka ka degi doonin dagaal la’aan.
Mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in xilka laga qaado madaxweyne ku xigeenka Kenya oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Rigathi Gachagua inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.
Gachagua ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay kadib markii dhawaan ay is khilaafeen madaxweyne William Ruto.
Habeenimadii Talaadada ayuu afhayeenka baarlamaanka Moses Wetangula ku dhawaaqay mooshin xil ka qaadis ah, waxaa xil ka qaadista aqbalay 281 mudane, waxaa diiday 44 mudane, hal mudanena wuu ka aamusay.
Arrintaan ayaa la micno ah in Gachagua uu noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya oo ay baarlamaanka xilka ka xayuubiyaan, inkasta oo ay harsantahay go’aanka aqalka Senetka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah, balse khudbad dheer oo uu dhawaan jeediyay ayu uku sheegay in hantidaan oo u badan guryo iyo dhulal uu lahaa walaalkii oo geeriyooday.
Dhawr xildhibaan oo xulafo la ah Gachagua ayay booliisku u yeereen bishii hore, iyaga oo lagu eedeeyay inay maalgaliyeen mudaharaadyada, inkastoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Ruto ayaa shaqada ka ceyriyay inta badan golihiisa wasiirada, waxaana uu keenay xubno ka tirsan mucaaradka ugu weyn ka dib dibadbaxyadii looga soo horjeeday canshuuraha, oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.
Ka hor inta aan codeynta la qaadin, ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo la arkayay ciidamo boolis ah iyo waddooyinka waaweyn ee soo gala baarlamaanka oo la xiray shacabka.
Ruto ayaan weli si cad uga hadlin mooshinka xil ka qaadista, balse waxaa la diiwaan geliyay maalmihii ugu horreeyay ee uu xilka madaxweynaha ka yahay inuusan waligiis si cad u bahdilin ku xigeenkiisa.
Hardanka awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa horseeday walaac laga qabo degganaan la’aan dowladda dhexdeeda ah, xilli Kenya ay bartanka uga jirto xasarad qoto-dheer oo dhaqaale.
Ruto ayaa Gachagua u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo haddii la doorto doorashadii 2022, markaasoo uu ka guuleystay raysal wasaarihii hore Raila Odinga kaddib doorasho si adag loogu tartamay.
Gachagua ayaa kasoo jeeda gobolka codadka ugu badan laga helo ee Mount Kenya, wuxuuna taageerayaal badan usoo jiiday Ruto.
Si mooshinkan loo meel mariyo, waxay u baahan tahay taageerada ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha labada aqal, iyadoo aysan ku jirin xildhibaannada lasoo magacaabay.
Xildhibaannada taageersan mooshinka ayaa kalsooni ku qaba in la meel marin doono, Balse Gachagua ayaa caddeeyay inuusan gacmaha laaban doonin xilkana uusan ka degi doonin isagoo aan dagaallamin.
“Madaxweynaha wuu ku amri karaa xildhibaannada inay joojiyaan. Marka, haddii ay sii wadaan, wuu ku jiraa,” ayuu u sheegay warbaahin gudaha ah.
Ruto ayaa hore u ballan-qaaday inuusan Gachagua gelin doonin “ciriiri siyaasadeed”, oo la mid ah tii uu isagu la kulmay markii uu madaxweyne ku xigeen u ahaa ninkii uu xukunka kala wareegay, Uhuru Kenyatta.


