Monday, February 2, 2026
HomeSomali NewsONLF oo dib u qiimeynsa heshiiskii nabadeed ay la gashay...

ONLF oo dib u qiimeynsa heshiiskii nabadeed ay la gashay Itoobiya

Jigjiga (Somali News Wire)-Jabhada Onlfkadibe sodomeeyo sano oo colaada iyo halgaan xoreynti deeganada soomaali galbeed ee itoobiyaa ee loo yaqqno ogadeenia , jabhad ONLF ayaa sanadkii 2018 la gashay heshiis nabdeeda oo soo afjaray colaadii dheered ee kale dhaxeysay dowlada dhexe ee itoobiya ,heshiiskan ayaa horseed u ahaa isbadalka siyaasadeeda ka dhacay dalka itoobiya taaso ay xukunka ka dageen xisbigii ay hormuud u aheyeen TPLF .

dhamaan dagaalyahandi ONLF ayaa hobki dhigay kuna soo laabtay deeganka mudda toboneeya sano ah oo ay colaad ku jireen , madam ay jabhadu qaadatay heshiis nabadeeda halkaas waxa ku soo idlaaday gacdoonki hubeysanaa ee jabhadaasi wxayna u bilowday bilow cusub oo ay qey kaga noqonaya siyaasada dowlada deeganka somalida itoobiya .

Isbadal guud ee ka dhacay dalkaasi ee uu horseedka ka haa Abiy Axmed ayaa hal mar isbadal siyaasadeed u horseeday siyaasadda wadankaasi oo ay qayb ka ahaayeen ururkii ONLF.

onlf oo lagu dhawaqay sannadkii 1984 ayaa 2018 laga saaray liiska ururad argagxisada kadibe heshiiskii ay la kaleen dowlada itoobiya dhamaan xubnihi ururka oo ayku jiraan madaxadi sare ee ururkaas ay degaanka dib ugu soo labtay si nabad galya ah .

horaanti bishan augusta ee sanadkii 2018 waxa gabi ahaanba la wareegay xarumaha muhimka ah ee magalada jigjiga ciidamada federaalka Itoobiya, iyaga oo markii danbe soo xeray madaxweyihi dowlada deeganka soomalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo mudda ka badan toban sano ka talinay deegaanka walow hada dib u helay xoriyadiisa
Rabshado ka dhashay isbadalka ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ku dhitay 29 ruux, dad badan ayaa barakacay, waxaa la boobay hantid dadweyne, xarumo iyo guryo ayaa dab la qabad-siiyay, sidoo kala-na waxaa la gubay Kaniisado sida ay sheegeen wax –garadka deegaanka.

intaa wixi ka dambeyey degaanka waxa ka curtay isbadal cusub oo hormuud u yahay madaxweynaha hada xilka ku fadhiya ee mustaf cagjar , waxane isabdalay siyaasadiia adkeed ee deeganka waxa mesha ka baxday cabiirunti iyo sido kale soomaali nacaybkii lagu hayey dadka soomaaliyeed .

jabhad onlf oo niyad ku heysay in un ay mar qabto talada madaxtnimo ee dowlada deeganka ayan ku guleeysan balse taa badalkeeda waxay kale kulantay waji caburin iyo sido kale in daalkii jabhada mesha lag saaro.
bilowgii sanadkan waxa gud ahaan deeganka isaga tagay dhamaan xubnihii cuslaa ee jabahada onlf ee ku sugn jigjiga saluuga ay ka qabaan dowlada deeganka taaso la xariirita in ay wada faquuq lagu haayo jabahada .

hadaba afhayankii jabahda onlf cadani cirmooge oo la hdlay warbaahinta ayaa sheegay in jabhadu ayaa ku dhawaaqday inay dib u qiimayn ku samaynayso heshiiskii nabadeed ee 2018-kii ay la saxeexatay dawladda Itoobiya, iyadoo ku sababaysay horumar la’aanta qodobbadii muhiimka ahaa ee lagu heshiiyey oo an la fulin taa badalkeeda ay dowlada biilowday cadaadis dhank jabhada
Halka heshiiska uu si rasmi ah u soo afjaray 30 sano oo colaado hubaysan ah, madaxda ONLF waxay ku doodayaan in balamo badan oo udub dhexaad u ahaa wali aan la fulin, kuwaas oo khatar galinaya xasiloonida deegaanka Soomaalida iyo mustaqbalka geedi socodka nabadda.

ONLF ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeysay in ay ku xad-gudbatay xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii ay odayaasha iyo qeybaha bulshada ku qasabtay in ay si cad uga tanaasulaan Soomaalinimada oo ay taageeraan heshiiska ay la kaleen maamulka soomaaliland , Kooxda ayaa sidoo kale walaac ka muujisay wararka sheegaya in Itoobiya ay qorsheyneysi in ay badasho magaca iyo calanka dowlada deeganka soomaalida itoobiya , taasoo ay u arkaan mid lagu weerarayo Soomaalinimada.

Marka laga soo tago balamahan aan la fulin, ONLF waxay walaac ka muujisay caburinta siyaasadeed ee ka jirta gobolka Soomaalida Itoobiya. Doorashadii ka dhacday magaalada Jigjiga eebishii June ee sanadkan 2024, ONLF waxay ku eedaysay dawladda Itoobiya inay ku maroorsatay codbixinta iyadoo daabushay taageerayaasha xisbiga Barwaaqo ee talada haya, isla markaana ugu hanjabtay shaqaalaha dawladda inay shaqo la’aan ku dhacayso, haddii ay u codayn waayaan xisbiga talada haya ee Barwaaqo.

“Khilaafku wuu muuqdaa, waanu ku kalsoonahay tiradayada, laakiin tirinta ugu dambeysa ayaa u hiilisay xisbiga Barwaaqo, waxaad mooddaa inaad ku sugan tahay suuq mashquul ah oo aad ku arkayso dad badan, laakiin degmooyinka codadka ayaa si lama filaan ah ugu tiirsan. si kale,” ayuu Cadaani sharaxay.

Hadafka ugu dambeeya ee onlf ayaa mar walba ahaa aayo ka tashiga shacabka Soomaalida ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya, waana xuquuq ku cad qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya. Xaqqani waxa uu dammaanad qaadayaa aayo-ka-tashiga qoomiyadaha iyo qoomiyadaha Itoobiya, taasoo u ogolaanaysa gobollada sida Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed inay ka tashadaan mustaqbalkooda siyaasadeed, oo ay ku jirto suurtogalnimada inay ka go’aan.

Wareysi uu bixiyay 2023 ayuu Cadaani ku nuux nuuxsaday in ONLF ay wali ka go’an tahay in dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaaraan in ay kasii mid ahaadaan Itoobiya ama ay raadiyaan madax banaani. “Waxaan ku soconnaa wadadii aayo-ka-tashigooda, waqti yar ayaa ka haray is-xukunka iyo madax-bannaanida, haddii aan hadda laga hortagin, waxaan halis u nahay inaan wax walba weyno,” ayuu ka digay Cadaani.

 

muqaal laga sidayey qaar kamid ah warbaahinada dalkasi itoobiya ayaa waxa ka soo muuqaday taliyaha miltariga dalkasi Birhanu jula oo ka soo jeeda qoomiyada oromiya , ayaa wuxuu ku sheegay in Masar ay tahay cadawga taariikhiga ah ee dalka Itoobiya, islamarkaana ay abuurtay jabhado ka dhan dowladda Itoobiya, ayna ka mid tahay jabhada ONLF ee dowlada deegank soomaalida itoobiya.
Sanadkii 2018 ayay ahayd markii ay ONLF iyo dowladda Itoobiya ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritreya.

Qodobka ugu weyn wuxuu ahaa xabbad joojin, taasoo ay ONLF dhankeeda ku dhawaaqday , Itoobiyana ay sidaa kaga saartay “Liiska ururrada argagixisada ah”.

ONLF waxay muddo dheer ku jirtay halgan ay ku doonaysay in ay ku xoreyso deegaanada Soomaalida Itoobiya, marxalado kala duwan ayuu halgankii hubaysnaa ee ONLF soo maray.

Waxey dagaalo la galeen ciidamadii dalkaasi Ethiopia ee hoos tagayay maamuladii kala duwanaa ee soo xukumayay dalkaasi.

Bishii September ee sannadkan Ururka ONLF ayaa ka jawaabay hadal la sheegay in uu ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Bayaan ay soo saartay ayey ku sheegtay in ay dowladda Itoobiya ay uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso, islamarkaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha.

Hogaamiyaha jabhadda Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in waligood waxa ay u dagaalamayeen ay tahay in ay helaan madaxbanaani, waxay bilaabeen siyaasad kale oo ay jabhadda ONLF ay ku doonayso in ay hir galiyaan siyaasada cusub ee ay doonayaan in ay ku xoreeyaan Ogadeeniya.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments