Tuesday, October 7, 2025
HomeSomali NewsWafdigii ka socday Kenya ee dhex dhexaadinayay dowladda federaalka iyo Jubaland ayaa...

Wafdigii ka socday Kenya ee dhex dhexaadinayay dowladda federaalka iyo Jubaland ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamza.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdigii ka socday dowladda Kenya kuwaaso dhexaadinayey ka awaday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, horeyna u tagay magaalada Kismaayo ee xarunta jubland kuna la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa wafdigan maanta ku qaabilay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho iyagoo ka wada hadlay xiisada taagan.

Ugu horeyn xubnaha wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Intii uu socday kulankooda ayaa waxaa si gaar ah loogu lafa guray dadaallada ay wadaan wafdiga ka socda Kenya sida Danjire Mahbub Mullen, Ambassador Mohammed Abdi Afi iyo Abdul Rahman Ali Hassan Kolo si loo dhexdhexaadiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa uga mahad celiyay wafdiga dowladda Kenya doorka ay ka qaadanayaan taageerada dhismaha dowladda Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka.

Kulankaan ayaa loo arkaa mid horudhac ah, waxaana la filayaa in Villa Somalia ay sii wadaan kulamada looga hadlayo xiisada u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments