Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan sheikh Maxamuud, sumadeenu tahay Xeer Madaxweyne LR 508 ayaa mareeyo cusub lagu magacaabay dekedda muqadisho
Yaa loo magacaabay MaareyahaÂ
Safiirka hore Soomaaliya ee Kenya ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa loo magacaabay in uu noqodo mareeyaha cusub ee Dekedda weyn ee muqadisho sido lagu tibaxay wareegtada ka soo baxaday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Maxamed Cali Nuur ayaa soo noqoday safiirkii soomaiya ee Kenya inta u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa laga soo gaaro 2015 , Sido kale soo noqday musharaxa Madaxweyne doorashadii soomalia.
Nolashisi horeÂ
Ambassador Maxamed Cali Nuur America ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1962 bishii October 12keedi intiis badan nolashii dhalinyaro wuxu ku soo qaatay magalada muqadisho ilaa marki dambe safari waxbarsho uu aaday dalk dibadiisa.
Kadib markii uu soo dhameystay safarkii waxbarsho dalkane ku soo labtay ayuu ka shaqa bilaabay dalka gaar ahaan bankii dhexe ee somaaliya.
Waxbarshada jamacada wuxu ku soo qaatay jamacada maryland ee dalka mareynka
Yaa laga qaaday xilka mareeyaha dakadda muqadishoÂ
Axmed Washington oo horey oga soo shaqeyey xafiiska midowga yurub ee Somalia ayaa laga qaaday xilka mareyaha dakada muqadisho isago hayey xilkaasi tan iyo sanadkii 2017 , waa siyaasi ka so shaqeyey meela badan sido kale sanadkii 2018 tartan u kalay in uu noqodo gudoomiyaha gobolka banaadir balse aan ku guuleysa arinkaas.
Muhimadda dakada muqadisho ay leedahay
Dakadda weyn ee muqadisho waa xudun ganacsi oo isku xeerta ganacsiyada caalamka iyo tan dalka waydii dambe waxa laga daremeyey isbadalo kale duwan oo dhanka hormarad ganacsiga iyo casriyeen casri ah oo lagu samey gudaha dakada waxaana maamusho shirkad ganacsi oo laga leyahay dalka turkiga